Articles

Maqaalo:

1. Maareynta Waqtiga:

Mid ka mid ah hibooyinka Rabbi inagu mannaystay ee  tiro beeley, waa waqtiga . mid ka mid ah nimcooyinka ay bulshadeenu dayacday waa waqtiga. Mid ka mid ah arrimaha lays waydiindoono maalinta qiyaame waa waqtiga.............

Qiimaha waqtiga, maqaal lagu soo koobi kari maayo, balse aan qalinkaygan dahabiga ah ku dhigo ereyo kooban oo ka hadlaya qiimaha waqtiga iyo sidii qofku u maareynlahaa.
Waqtigu waa mid ka mid ah nimcooyinka iyo hibooyinka qaaliga ah ee ALLAH mooyee aanay cidkale bixin. Waqtigu waa hanti hadii ay mar ku dhaafto aan dib loo heli karin, waxaa la yidhi (الوققت هو الحياة)  oo macne ahaan ah, waqtigu waa nolosha iyadoo laga cabbirayo qiimihiisa aan wax loo dhigaa jirin. Waxaa kale oo la yidhi, ( Time is money) “waqtigu waa lacag” iyadoo laga cabiraayo qiimaha uu leeyahay. Sidoo kale waxaa la yidhi, (الوقت كالسيف الم تقطعه قطعك) “waqtigu waa sida seefta hadaanad goyn isagaa ku goyn” iyadoo laga cabiraayo socodkiisa iyo oradka aan joogsiga lahayn ee uu ku jiro.
ALLAH ayaa marar badan ku dhaartay waqtiga jeer uu yidhi, (, والليل  والعصر, والفجر)  taasi waxaa ay kuu bildhaaminaysaa qiimaha uu waqtigu leeyahay illeen shay uu ALLE ku dhaartay waa mid qiimo badane. Gabyaagii carbeed ee gabyey waxaa uu yidhi,                            (دقات قلب المرء قائلة له      إن الحياة دقائق وثواني)  oo macne ahaan ah “ garaaca wadnaha qofku wuxuu farrin u dirayaa qofka laftiisa, isgoo leh noloshuba waa daqiiqado iyo ilbidhiqsiyo”. Nebigeenii suubanaa  NNKH, waxaa uu yidhi, (نعمتان مغبون فيهما كثير من الناس الصحة والفراغ), “laba nimco ayaa dadka badidiisu mooganyihiin: caafimadka iyo firaaqada”. Diinteenuna aad ayey u gu nuuxnuuxsatey dhawrista qiimaha waqtiga.
Balse waxaa ayaan darro ah, in bulshadeena soomaaliyeed ee maanta nool, ay dayaceen qiimaha waqtiga. Badanaa inta jeer ee aad marto waddo oo aad aragto dhallinyaro badan oo fadhiya gidaarada iyo kaabadaha, badanaa inta jeer ee aad aragto dhallinyaro saacado badan ku lumiya maqaayadaha iyo shaashadaha tiifiiyada,  badanaa badanaa!!.  Waxaase ka sii daran in dad badan ay ku kelliftay dayacaadda waqtiga iyagoon garaneyn habkii ay u maali lahaayeen waqtigooga oo ay u maamuli lahaayeen. Ma jecelshahay in aad waqtigaaga mareyso?? Ma jeceshahay in aad beerato waqtigaaga maanta si aad midhahaas u gurato berrito??. Bal aynu jawaab u helno, sidee waqti loo maareeyaa:
Ugu horreyn ogow waqtigu waa ma doorsoome, taas waxaan uga jeedaa, innagu waqtiga ma kordhin karno mana dhimi karno, qofwalba wuxuu haystaa 24 saacdood ama 1440 daqiiqo amma 86400 ilbidhiqsi maalintii. Bal haddaba si aad u maareyso waqtigaaga raac tilmaamahan:
  1. Ku xidhnow ALLAH oo u dhiibo arrinkaaga: ma rabtaa ballan qaad ah, in ALLAH kuu dhawro dhammaan arrimahaaga??, ku dheg oo qabso xadhiga ALLE.
  2. Yeelo hadaf iyo yool: hadii aanand hadaf lahayn, wax aad u nooshayba ma jiro, sidaas la ajligeed waxa aad waqti u maareysaaba ma jirto.
  3. Sameyso waqti aad qorsheyso waqtigaaga: u qorshee si joogto ah, qorsheyntaada ha la socoto dabagal joogto ah iyo isxisaabin . Isticmaal aaladaha kaa cawinkara arrintaa sida, (Todo list) iyo waxii la mid ahba.
  4. Mudnaanta sii kolba arrimaha muhiimka ah: ha isku dhexyaacin, arrimuhu iskuma jiraane kala hormee, waxaa jira wax la dhaho (Time management matrix) oo u kula saarta arrimaha afar waaxood oo waaweyn oo kala ah (1. Arrimo muhiim ah balse aan degdeg ahayn, 2. Arrimo degdeg ah balse aan muhiim ahayn, 3. Arrimo aan muhiim ahaynd degdegna ahayn, 4. Arrimo muhiim ah degdegna ah), adigoo ka duulayaa qaybahaas dooro arrinta haboon iyo waqtiga ku haboon.
  5. Jooji dib u dhigista: waxaa ay dhaheen ( procrastination is the thief of time, collar him), oo macne ahaan ah “ dib u dhigistu waa tuuga waqtiga ee xidh”, waxaa ay ku maahmaaheen ingiirsku, (wax aad maanta qabankarto berrito ha u dhigan)
  6. Iska jir tuugta waqtiga: Kuwan waxaa kamid ah saaxiibada, internetka, TV-ga IWM. Samayso siyaasad kuu gaar ah oo aad ku hagto dhammaantood, iskana jir yaaney waqtigaaga cadow ku noqone.

2.Gurigii Xikmadda ee Baqdaad:


Waxaad ku baraarugtay qaraxyada ka dhacaya Baqdad ee dadku ku hoobtay, waxaad ku baraarugtay diyaaradaha maraykanka oo garaacaya Baqdad, balse weligaa dib ma u dheehatay ilbaxnimadii iyo xadaaradii halkaasi taallay waayo waayo??? ... Weligaa ma ka fikirtay aqoontii hakaasi ceegaagtay??... haday jawaabtaadu tahay MAYA, kaalay aynu maqaalkan dhexdiisa ku booqono sabannadii dahabiga ahaa ee baqdad iyo ilbaxnimadii islaamka ee ay hooyada u ahayd.

Baqdaad waa caasimadda wadanka Ciraaq, Baqdaad waxaa ay dhacdaa dhigta iyo loolka cabbirkodu yahay (33.315701,44.392200). Waxaana ay kaga toosantahay magaalada Hargeisa jihada Waqooyiga, waqti ahaanna waa la mid Hargeisa, waana magaalo ku dhextaalla labada webi ee Eupharetes iyo Furaat.
 Waxaa ay ahayd sannadkii 762-kii markii khaliifkii Abu Ja’far Al-Mansuur oo ka mid ahaa madaxdii dawladii Cabbaasiyiinta uu dhagax dhigay magaaladan, isagoo aaminsan in ay magaaladanni ku habboontahay in ay noqoto caasimadda dawlada Islaamka, sababo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen: cimiladeeda dhexdhexaadka ah, jooga dhulkeeda, istiraatijiyada iyo marinda ganacsi ee mara, iyo helitaanka biyo nadiif ah awgood. Al-Mansur waxaa uu yidhi odhaahdiisii taariikhda gashay ee ahayd, “Tani waxaa ay noqondoontaa, meesha layga heli doono, halka aan ku noolaandoono iyo barta ay tafiirtaydu xukumidoonaan”.
32 sanno kedib aasaaskii Baqdaad, waxaa xukunkii la wareegay Haruun AL-Rashiid, oo ka mid ahaa tafiirtii ka farcantay Jacfar AL-Mansuur, AL-rashiid waxaa uu uu seeska dhigay akademigii sayniska ee ugu casrisanaa xilligaas, waxaana loo baxsahay, بيت الحكمة))  ama GURIGII XIDKMADDA. Baytul xikmah, waxaa uu ahaa maktabad aad u baaxad weyn oo lagu ururiyo kutubta kala duwan ee cilimiyada: sayniska, arts-ka, dhaqanka, luuqadaha IWM.
Maktabaddani, waxaa ay ahayd kaydka kutubta iyo xikmadda, sidoo kalena waxaa ay ahayd akademiyadda aqoonyahanka halkaas oo ay ku kulmi jireen: saynisyahanada, qoraayada, turjumaanada, gabyaaga, iyo xikmaawiyiintii waqtigaa noolayd. Ikhtiraacidda, turjumidda iyo dood cilmiyeedyadu waxaa ay ahaayeen, waxqabadyada maalinlaha ah ee goobtan ka dhaca.
AL-Ma’muum oo ahaa wiilkii Haaruun AL-rashiid ayaa isguna sii balladhiyey maktabaddii oo kadhigay mid habaysan, kutubtiina waxaa uu u sameeyay qaybo, intii isku jaad ahaydna dhinac ayaa uu isugu ururiyey, waxaana uu u magacaabay gudoomiyeyaal qaybibhii kala duwanaa ee maktabadda, tusaale ahaan: Xunayn oo ahaa nin ku hadla afar luuqadood, waxaa uu ka dhigay madaxa turmaadda. Sidoo kale Abu Yusuf Yacquub AL-kindi oo ahaa khabiir ku xeeldheer, fisigiska, falsafadda, xidigiska iyo xisaabaadka waxaa uu faray in uu turjumo aqoontii Giriigii hore, iyo qoraalladii Aristotle.
Al-Ma’muun waxaa uu siiyey taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed aqoonyahankii, waxaana uu ku casuumay maktabaddii khubaro badan oo isug jira Muslim, Kiritstan, Yuhuud, Hindi, iyo Indho-yarba. Baytul Xikma, waxaa uu noqday xuduntii aqoonyahaka iyo horumarka oo soo jiidatay indhaha aqoonyahankii ku kala noolaa daafaha dunida ee xiliyadaas.
Al-ma’muum waxaa kale oo uu maktabaddii ku soo daabulay kutub farabadan, waxaana uu ka codsaday boqorkii Sicily, in uu ku soo wareejiyo Maktabad qani ku ahayd buugta sayniska iyo falsafadda oo halkaasi ku tiiley, boqorkiina waa uu siiyey. Waxaa la sheegaa in AL-Ma’muum uu boqolaal geela ku soo rarijiray buug, kuwaas oo laga keeni jiray bariga Beershiya. Maktabaddiina waxaa ay noqotay mid la ciirciiraysa kutub iyo khubarro farabadan.
AL-Ma’mum waxaa uu dhagax dhigay xarruntii cilimga xidigska iyo hawda sare, waxaana uu maamule uga dhigay Sanad bin Ali Al-yahudi, oo ka mid ahaa khubaradii Al-Ma’mum. Waxaana u suuro gashay Sanad in uu qoro jadwalka godadka walax cireedyada.
Baqdaad waxaa markii ugu horreysay soo gaadhey waraaqda oo lagu ikhtiraacay wadanka shiinaha, helitaanka warqaduhu waxaa ay bedeleen hargihii iyo saamihii loo isticmaali jiray qoraalka, waxaana la sameeyey warshado badan oo soo saara waraaqaha taasina waxaan ay sii kordhisay xawaarihii horumarka maktabadda.
Xisaabyahankii weynaa ee AL-khawarzimi oo ka mid ahaa khubaradii maktabadda ayaa isna daaha ka furay xisaabta AL-jebrada, waxaan uu qoray buugiisii uu ugu magacdaray (AL-jabr wal muqaablah). Waxaa iyagun jiray khubaro badan oo wax ku soo kordhiyey fanniyo badan oo aqoonta ah.
Waxaa la sheegaa in qofkii keena buug uu qoray ama turjumay la siin jiray miisaankiisa oo dahab ah, arrintaasina waxaa ay dadkii ka dhigtay kuwo jecel aqoonta iyo qoritaankeeda. Waxaa aad loo horumariyey turjumidda, dhammaan kutubtii ku qornaa afafka kalena waxaa loo turjumay carabi oo ahayd luuqadda koowaad ee dawladii Muslimiinta.
Nasiibdarro, sannadkii 1258kii ayaa gacan ku dhiiglayaashii Tattaarka (Mangooliyaanka)ay soo weerareen magaaldii Baqdaad oo markaa ahayd jannadii adduunka, waxaan ay halkaas ku dilleen boqorkii ugu dambeeyey ee dawladii cabbaasiyiinta kedib markuu isu dhiibay Holaago oo ahaa taliyihii ciidanka Tattaarka, si uu naftiisa ugu furto badbaadada Baqdaad. Halkaas ayaana lagu gawracay isaga iyo dhammaan reerkiisii, waxaana lagu xasuuqay dadkii reer Baqdaad oo dhegta dhiiga loo daray.
Tattaarku waxaa ay burburiyeen dhamaan qaybihii maktabadda, waxaana ay kutubtii ku gureen webiga si ay ugaga tallaabaan. Waxaa la sheegaa in webigii uu maamlmo dhawr ah madow isu bedelay khadlkii buugta iyo dhiigii dadka awgeed. Waxaana halkaas ku burburay dhaxalkii aadamahu uu iska soo dhaxlayey weligii.
Xaddaaraddii islaamku si ay u soo noqotay waxaa ay u baahantahay rag, waxaa ay u baahantahay aqoonyahan xeeldheer oo aragti fog leh. Ummadda muslmiinta ahi waxaa ay kaa sugayaan hiil iyo garab, ugu hiili qalinkaaga iyo aqoontaada, kakaca hurdada dhallinyarooy oo hankiina fogeeya, ku hammiya in aynu dib u dhisno Baqdaadii labaad ku faana oo ku dhaata diinteena suuban. “Waxaynu nahay duul uu ALLAH ku sharfay Islaamka, hadii aynu sharafta meel aan Islaamka ahaynna ka raadinona waa uu innna dulleyn” Cumar bin Al-khadab.

3. Awoodaha la dayacay:


Waa habeen gudcur ah salaaddii cishaayi kadib. Waxaan socdaa mid ka mid ah marinnada magaalada Hargeysa. Mugdiga habeenkaa waxa ii dheer aamusnaan se maskaxdayda hadal kama maqna. Daggenaanshaha jidhkayga hadheeyay awgeed waxan maqlayaa jaanta iyo jabaqda cagtayda. Jam jamtayda sanqadheedda waxaad moodda sidii inantii tallaabo cuddoon la odhan jiray. Bal adba! Waxa ii weheliya hoonka gaawaadhiga oo is qabsaday oo aad mooddo inuu la jaan qaadayo hab u socodkayga. Hareeraha ma eegayo waayo nin is huba ayaan ahay; ma tallaabo dheeraynayo mana tallaabo gaabinayo laakiin waxan u laafyoonayaa si miisaaman.
Waxan hab u socodkayga la dhacsanaadaba, si kadis ah ayaan ugu laabay goolad yar oo cidhiidhi ah. isla markiiba waxaa aan la kulmay muran iyo buuq ka yeedhaya meel aan waxbadan ii jirin –yar yarku qaylo dheeraa! Waxaan u cabsaday naftaydii oo wadnuhu wuxuu Ii garaacayaa sidii nin xiiqsan. Niyaddaydu ma nabdoona waayo waxan sawirtay iyadda oo la iga qaaday moobil qaali ah oo an maalmahaas uun soo gatay. Se ILAAHAY mahadi ha ugu sugnaato’e balaayo ma dhicin.
Yar yarkaasi waxay ku dhawaaqayeen awgeed waxay damqeen qalbigayga siddii leeb la igu soo ganay o kale. Waxa ay lahaayeen hadalo lagu qurxiyay hooyo-cay, aabo-cay iyo nacdal is wata. Waxaana lagu iidaamay ka waramista xiddig ku sheegyada ciyaara kubbada cagta. Waxay ahaayeen codad ka madhnaa naxariis iyo naruuro. Innay nabbiga ku salliyaanna hadalkeedaba daa. Hadallo qalafsan misna sumaysan o dilaya qalbi kasta o jecel wanaag, horumar iyo wacnaan shakhsiyadeed bey ahaayeen.
Waxaan soo gaadhay goobtii uu sawaxanku ka socday. Mise waa dhalinyaro is urursatay oo ku suggan cimrigooga xilligii ugu dahabisanaa. Awoodooda ku jirta awgeed haddii la odhan lahaa ha lagu cabbiro Awood-beeg ay adkaan lahayd in la qiyaaso. Waa dhiiggii iyo dheecaankii dalka iyo dadkaba wax tari lahaa oo garan waayay sidii ay uga faaidaysan lahaayeen tamartooda iyo kartidooda caqliyeed iyo muruqeed labadaba. Guul waarta iyo horumar shaqsiyadeed ayuu ku han weyn yahay mid kasta o kamid ah barbaartan balse waxa ka qaldamay jidkii guusha loo mari lahaa. Waxay hilmaameen inay araan jiheeyaha guusha eek u salaysan diinteenna suubban iyo caqliga saliimka ah markaas ayey ku hungoobeen in ay noqdaan sida Ronaldo iyo Shayaadiinta la halmaala oo u ahaa cidda keliya ee ay ku daydaan. Gidaar kasta markii ay kasoo go’een ayaa aakhirkii waxay kusoo gunaanadeen jadwal la samaysto kii u liitay oo u dhigan sidan: 3 saacadood oo gidaar fadhi ah, 3 saacadood oo casharadii Ronaldo la dhito iyo 3 saacadood oo la dabbaqo kubadana la eryado, iyo 4 saacadod oo habeenkii lagu shiro geedaha hoostooda iyo kaabadaha saliid ijiinta leh. Qaarkoodna waxaa intaa u dheer 5 saacadood oo jaad la daaqayo. Runtii waa awood la dayacay; waa quwad iyo xoog wax tari lahaa hadii laga faaideeyo.
Walaalkayga maqaalka akhrinayoow ALLAH ayaan kugu dhaarshe ma waxaad ku faraxday in aad ku noolaato nolol fiican iyo fikir saliim ah iyadoo walalkaaga kula jaarka ahina uu la dawakhsanyahay raadinta tubta saxda ah? Ma waxaad la bakhayshay talo iyo waano anfacda qalbi agtaada ku dhintey? Miyaanad damiir lahayn oo aanad ka damqanayan walaalkaaga jarka ka laalaada adna aad buurta iyo salaanka guusha sii fananayso? Miyaynu ilawnay hadalkii Nebigeena SCW oo ahaa “ In uu ALLAH qof ku hanuuniyo adiga awgaa ayaa kaaga wanaagsan in aad hesho geela kiisa cascas”? Ma waxaad ilawdeen in uu ALLAH ummadeena ku ammaanay quraankiisa jeer uu yidhi waxa aad tihiin umadaha tii ugu khayr badneyd sababtuna tahay “ waxaad is fartaan wanaaga waxaanad iska reebtaan xumaanta”? Waxaa hubaal ah in waanada wanaagsani ay wax badan qaban karto; waxaa marag ma doon ah in da’yarta maantu u baahantahay wacyigilen dhankasta leh; waxa aan shaki ku jirin in talada iyo nasteexada wanaagani ay noqdeen mid ka mid ah awoodaha aynu dayacnay. Maxaa inoo diiday in aynu noqono tabobarayaal nololeed sidii nebigeenii (NNKH).
Guntii iyo gunaanadkii, waxaa inagu wada waajib ah in aan dareenno in aanay farxaddeenu dhamaystirmayn inta aynu helayno saaxiibkaa oo nolosha ka dhacsan; farxadeenu ma buuxdo inta aynu masaajidka ku tukanayno da’yartiina gidaarada fadhiyaan; farxadeenu ma dhamma inta aynu ka fikirayno horumar iyo guul sanadaha soo socda, halka saaxiibkaana ka dhacsanyahay tareenka nolosha.
Somaalidu waxay tidhaa ragba waa ku raqdeed. Sidaa awgeed, da’yarta maanta cidna uma maqna ceelna uma qodna. Waa adiga cidda keliya ee u ah miciin. Nimcadaad ku sugantahay u ogolow in lagula wadaago. Talo aad siiso qof adiga lacag kuuguma joogto balse qofka aad talada siinayso waxaa ay uga qaalisantahay dahabka. Maxaa ka sharaf badan in aad sabab u noqoto hanuunka hal qof oo taasi ay keento in salaad kasta oo uu tukado aad ku hesho ajarkiisa mid la mid ah, soon kasta oo uu soomo aad hesho ajarkiisa mid la mid ah, wax kasta oo wanaag ahna aad ka hesho ajar iyo xasanaad. “HAYARAYSAN QIIMAHA WANAAG FARISTA

0 comments:

Post a Comment