Maahmaaho


Xarafka A:
1. Aadmi la aragyaaba, dhib la arag. 
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino. 
3. Aar qoyey dacawo la mood. 
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. 
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh. 
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay. 
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki. 
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh. 
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa.
Xarafka B:
1. Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa
2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa. 
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur. 
4. Baddu waa isku dhadhan. 
5. Badhi mag ma laha. 
6. Balaayo laba qad ma leh 
7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha. 
8. Balaayo buulkaagaa laga galaa. 
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay. 
10. Ballaysin bir ka adag.

0 comments:

Post a Comment