Saturday, September 19, 2015

Wednesday, September 9, 2015

Saturday, September 5, 2015

Xallinta Mushkiladaha:


Mushkilad waliba waxaa ay leedahay xalkeeda, dadkuna waa ay ku kala duwanyihiin xal u helidda mushkiladaha... Waxaana loo kala baxaa indheer-garad iyo indhow-garad:
Indheer-garadku wuxuu dhisaa biriijkii lagaga gudbi lahaa, halka indhow-garadkuna uu dhiso biyo xidheen isla markaana arrinta sii huriya.

Friday, September 4, 2015

Akhlaaq wanaaga:

Bulshada Islaamku waxaa ay ahayd midda ugu dhaqan iyo akhlaaq waanaagsan, balse waayadan dambe muslimiin badan ayaa ka ogoomoobay akhlaaqdii suubanayd ee diinteenteenu qaniga ku ahayd.
Rasuulka ( صلى الله عليه وسلم) ayaa mar la weydiiyey waxa ugu badan ee dadku jannada ku gelayaan, markaas ayuu suubanahu ku jawaabay " Akhlaaq wanaaga iyo Alle ka cabsiga"... Mar kale nebigu ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu inoo tilmaamay in adoomaha uu Alle ugu jecelyahay ay yihiin kuwa dhaqanka wanaagsan, "أحب عباد الله إلى الله أحسنهم خلقا".
Sidoo kalena suubanuhu ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu inoo sheegay in maalinka qiyaame ay akhlaaqda wanaagsani tahay midda ugu miisaanka culus acmaasha la miisaamaayo, 
"قال صلى الله عليه وسلم: ((ما من شيء في الميزان أثقل من حسن الخلق)) رواه الترمذي (2002)، وابن حبان (12/506)"..

Monday, August 31, 2015

Liibanta iyo farxadda nolosha. W/Q: C/razaq Garaad.

Shaki kuma jiro in ay dadka dunidan ku nooli  ay baadi goob ugu jiraan  sareedada nolosha iyo badhaadhaheeda. Liibaantu waa baadigoob ay ku jiraan qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay bulshada caalamka hadday noqoto, aqoon yahan, macalin, arday, faqiir , taanjir, madax , shaqaale, iyo qaybaha la midka ahba.

Friday, August 28, 2015

Salmaan Alfaarisi


NOLOSHII CARUURNIMO EE SALMAAN AL-FAARISI
Salmaan Al-Faarisi waxaa uu ahaa wiil yar oo ku noolaa degmada Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan oo waagaas loo yaaqaanay dhulkii Faaris mantana lagu magacaabo Iiraan. Reer Isbahaan waxaa ay ahaayeen kuwo gaalo ah oo caabuda dabka waxaana loo yaqaanaa dadkaas Majuusiyiin ama dab-caabud.
Salmaan wuxuu ahaa wiil uu dhalay aabe aad u hanti  badan oo qani ah, sidoo kale aabihiis waxaa uu ahaa gudoomiyaha deegaankiisa wuxuuna masuul uga ahaa arrimaha diinta iyo hurinta dabka ay caabudi jireen dadkaasi. Salmaan aabihiis aad ayuu u jeclaa, jacaylkii uu u qabayna wuxuu gaadhsiiyey in uu ku xabbiso guriga isagoo ka cabsi qaba in ay dhibaato soo gaadho.

SALMAAN OO DIINKALE U QUSHUUCAY:
Haddaba maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Salmaan aabihiis uu faray in uu tago beer ka mid ah beerahoodii oo uu hawl ka soo qabto halkaasi. Arrintani waxaa ay Salmaan siisay fursad uu dibadda ugu baxo. Salmaan oo ku socda beertii ayaa waxaa uu la kulmay kiniisad ay ku tukanayeen dad haystay diintii nebi Ciise oo nasaaro ah. Salmaan wuxuu u qushuucay salaadii ay tukanayeen nimankaasi waxaana uu weydiiyey diintan asal ahaan halka ay ka soo jeedo, waxayna u sheegeen in asalkeedu yahay dhulka Shaam. Salmaan waxaa  uu illaabay hawshii uu aabhii u diray oo halkii ayuu gabalkii ugu dhacay!. Goor ay gabbal dhicii ku dhawdahay ayuu ku soo laabtay gurigoodii, aabihii oo aad ugu werwerey ayaa weydiiyey, “ wiilkaygiiyoow halkeed qabatay oo meeday hawshii aan kuu diray?!”, Salmaan wuxuu uga warramay arrinkii kiniisadda waxaana uu ku yidhi, “ aabow diintaas ayaa diinteena ka fiican oo ka khayr badan”.
Odaygii Salmaan dhalay, aad ayuu u werweray waxaana uu go’aansaday in uu wiilkiisa cagta ka xidho oo u uu diido in uu dibadba arko sidii ayaanu yeelay oo Salmaan lugta ayaa laga xidhay. Maalin maalmaha ka mid ah ayey Salmaan u suuro gashay in uu dibadda u baxo,  isla markiiba waxaa uu u yimid qoladii diinta Ciise (C.S) haystay, waxaana uu ka codsaday in ay la soo socodsiiyaan marka uu yimaado safarka reer Shaam. Codsigiina waa ay ka aqbaleen.

SALMAAN OO KA BAXSADAY MAGAALADIISII:
Markii uu yimid safarkii Shaam ayaa Salmaan warkii soo gaadhay , isna inta uu xadhigii iska furay ayaa uu ku biiray safarkii.
Markii safarkii uu gaadhey Shaam, ayaa uu dadkii weydiiyey cidda ugu fadliga iyo aqoonta badan diinta nebi Ciise (C.S), dadkiina waxaa ay u tulmaameen nin wadaad ahaa oo joogay kiniisad lagu magacaabi jiray Usquf.
Salmaan ninkii waxaa uu ka codsaday in uu diinta baro oo uu salaada la tukado isna uu caawiyo oo uu shaqaale u noqdo, wadaadkiina arrintii waa uu ka aqbalay. Salmaan muddo ayaa uu ninkii la noolaa oo wax ka bartay, balse ninkaasi muu ahayn nin wanaagsan, dadka ayuu sadaqada ku dhiiri gellin jiray markaas ayuu lacagtaas urursanjiray masaakiintana ma uu siin jirin.
Muddo kedib ayaa uu ninkii dhintay, markaas kedib ayaa Nasaaradii ay isugu yimaadeen si ay u aasaan wadaadka, balse Salmaan ayaa uga waramay xumaantiisii iyo sidii uu xoolaha dadka u dhici jiray waxaana uu tusay kaydkiisii iyo goobihii uu sadaqada ku urursan jiray, dadkii ayaa aad ugu cadhooday ninkii waxaana ay amreen in aan la aasin.
Muddo yar kedib ayaa la doortay wadaad cusub, Salmaanna wadaadkii cusbaa ayaa uu la saaxiibay oo uu  shqale u noqday si uu isna diinta uga barto. Wadaadkan cusubi waxaa uu ahaa nin aad u wanaagsan oo cibaado badan, adduunkana neceb oo aakhirona jecel. Ninkii ayuu Salmaan in muddo ah la joogay.
Hase yeeshee muddo kedib ayaa ninkii ay geeridii ku soo xaadirtay, intii aanu dhiman ayaa uu Salmaan weydiiyey, “ Sheekhow yaad ii dardaarmaysaa oo ku sugan diinta xaqqa ah?”. Ninkii wadaad ka ahaa waxaa uu Salmaan kula taliyey in uu u tago nin ku nool magaalada Mawsil oo ku taalla wadanka ciraaq, waxaana uu u sheegay in ninkaasi uu yahay mid haysta diintii xaqqa ahayd.
Markii uu wadaadkii dhintay, ayuu Salmaan u kicitimay xaggaa iyo magaaladi Mawsil, waxaana uu la kulmay ninkii loo soo tilmaamay oo uu uga warramay xaalkiisa iyo dardaarankii uu siiyay sheekhiisii hore ee dhintay. Ninkii aad ayuu u soo dhaweeyey Salmaan, muddo markii ay wada noolaayeen ayaa ninkii wadaadka ahaa ay geeridii ku soo xaadirtay. Salmaan wuxuu weydiistay sheekhii intii aanu dhiman in uu u dardaarmo qof uu diinta ka barto, ninkiina waxaa uu u tilmaamay nin ku nool magaalada Nissiibiin oo ku taal Shaam.
Markii ninkii la aasay ayuu Salmaan u kicitimay magaaladii Nisiibiin ee loo dardaarmay. Isla sidii hore oo kale ayuu muddo la joogay ninkii sheekha ahaa, maalintii dambe ayaa ninkii sheekha ahaa ay geeridiisii soo dhwaatay, Salmaanna sidii hore oo kale ayuu ka codsaday in uu u dardaarmo cid diinta xaqqa ah ku taagan, waxaana uu u dardaarmay nin joogay magaalada Camuuriya. Markii uu ninkii geeryooday Salmaan waxaa uu u kicitamay magaaladii Camuuriya, safarkiisii baadidoonka xaqqa ayaanu u xadhko xidhay. Salmaan markii uu soo gaadhey Camuuriya waxaa uu kula kulmay ninkii loo soo tilmaamay, muddo markii ay uu la joogayna ninkii waxaa ku soo xaadirtay geeridii, sidii hore oo kale  ayaa uu salmaan ka codsaday ninkii, in uu u tilmaamo cid ku sugan diintii xaqqa ahayd. Ninkii sheekha ahaa waxaa uu ku yidhi salmaan, “ Wiilkaygiiyow, ma garanayo cid aan kuu tilmaamo oo diintii si sax ah u haysata, balse waxaa la joogaa xiligii dhulka carabta uu ka soo bixi lahaa nebi. Nebigaas waxaa uu ka hijroon doonaa magaalo buuro leh, waxaana uu u hijroondoonaa magaalo geedo timir ah leh. Nebigaasi ma cuno sadaqadda balse hadyada waa uu qaataa, dhabarkiisana waxaa kaga taalla astaan ka turjumaysa in uu yahay nebigii ugu dambeeyey nabiyada”. Ninkii sheekha ahaa waa uu geeryooday, Salmaanna muddo ayuu ku sii nagaaday magaaaladii Camuuriya, halkaas oo uu dhowr neef oo lo’ iyo adhi isugu jira ka faraqabsaday.

Salmaan oo dhulkii carbeed tegey.

Maalinkii dambe ayaa safar carabta ka yimid uu soo gaadhay Camuuriya, Salmaan aad ayuu ugu farxay safarkaas imaanshiyhiisa, waxaanu ka codsday nimankii carbeed in ay gaadhsiiyaan dhulkii carbeed, taas bedelkeedan uu bixiyo wixii uu xoolo lahaa. Heshiiskii waa laysku afgartay Salmaanna sidii ayuu safarkii ku raacay.
Markii la marayey meel lagu magacaabo Dooxadii Qura, ayaa nimankii carbeed ay salmaan khiyaameeyeen, waxaa ay ka dhigeen addoon waxaana ay ka iibiyeen nin yuhuudi ahaa. Salmaan waxuu galay nolol addoonnimo ah oo dhib iyo daal badan. Salmaan waxaa uu soo maray gacanta laba yuhuudi, aakhirkiina wuxuu soo cago dhigay magaalada Madiina.

Salmaan oo nebigii iyo saxaabadii la kulmay:

Maalin maalmaha ka mid ah, Salmaan oo geed timir ah dusha ka saaran oo uu sayidkiisiina hoos fadhiyo ayaa nin ay sayidkiisa ilma adeer ahaayeen uu sayidkiisii uga warramay in reer Aws iyo Khasraj ay soo dhawaynayaan nin nebinimo sheegtay. Salmaan markuu warkii maqlay farxad ayuu iskala garanwaayey oo inta uu geedkii ka soo booday uu hor istaagay ninkii yuhuudiga ahaa, isagoo leh “ yaa!!! Maxaad tidhi?!!! Mee nebigu??!!”. Salmaan waxaa ku dhacday dhirbaaxo kulul oo uu sayidkiisii ku dhuftay, waxaana uu ku canaantay in uu galay arrimo aan loo dirsan.
Salmaan muddo ayuu ururiyey xoogaa timir ah, maalinkii dambe ayuu u tegey nebigii NNKH iyo saxaabadii oo meel fadhiya. Salmaan inta uu timirtii hordhigay nebiga ayaa uu ku yidhi, “ waxaan maqlay in aad dad marti ah tihiin, sidaas darteed sadaqaddan Ayaan idiinkeenay”. Nebigii muu cunin timirtii ee waxaa uu u qaybiyey saxaabadiisii, Salmaan waxaa u cadaatay astaantii koowaad ee sheegaysay nebinnimada rasuulkeena NNKH. Muddo kedib ayaa Salmaan uu mar labaad u keenay waxoogaa timir ah nebigii iyo saxaabadiisii, waxaana uu ku yidhi, “ waxaan idiin hadyeeyey timirtan” nebigii iyo saxaabadiina waa ay wada cuneen timirtii. Salmaan waxaa u caddaatay astaantii. Maalin dambe ayaa salmaan wuxuu la kulmay nebigii iyo saxaabadii oo aas ku jira, nebigu waxaa uu huwanaa laba go’ oo keli ah, arrintaasi waxaa ay fursad u siisay Salmaan in uu arko shaambadii loo soo tilmaamay. Salmaan markii ay u caddaatay ee uu arkay saddexdii  calaamdood, rasuulka ayaa uu isku duubay isga oo ilmeynaya, waxaana uu uga warramay safarkiisii dheeraa ee uu u soo maray raadinta xaqqa. Rasuulku NNKH aad ayuu u jeclaystay sheekadiisii waxaana uu faray in uu uga warramo saxaabada. Salmaan wuxuu noqday saxaabi weyn oo Islaamka u hiiliyey, waxaana uu calanka u sidaa dad soo galay safaro dhaadheer oo dhib iyo daal badan, iyagoo raadinaya hanuunka Alle.