Shaki kuma jiro in ay dadka dunidan ku nooli ay baadi goob
ugu jiraan sareedada nolosha iyo
badhaadhaheeda. Liibaantu waa baadigoob ay ku jiraan qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay
bulshada caalamka hadday noqoto, aqoon yahan, macalin, arday, faqiir , taanjir,
madax , shaqaale, iyo qaybaha la midka
ahba.
Sidoo kale waxa jira fahano kala duwan oo dadku ka aaminsan yihiin liibaanta nolosha taas oo keena in ay kale duwanaadaan habka loo baadigoobayo Laakiin haddii ay khaldanto waddada loo marayo ran-reynta nolosha najiitadu waxa ay ku dameysaa in aad ku hungoobay. Farxada noloshu kama timaado dhameystiranka uu qofku helo wax kasta oo uu jecel yahay waayo noloshu marna ma dhameystiranto. Qofka hela liibaanta noloshu waa qof qiray in ay noloshiisu tahay diin , waxa uu ku qancan deeqda alle bixiyo ha yaraato ama ha badnaato e. waxaanu qalbigiisa ka buuxa digriga aale iyo xuskiisa oo marwalba uu kaalmeysto. Sida laga soo wariyo dad badan oo taariikh yahan ah ayaa waxa ay sheegaan in uu jiray nin caalim ah oo deganaa dalka ciraaq , ninkaasi waxa uu ku noolaa nolol adag wax kaleba iska daayee saddex wakhti waxa cunto u ahayd ((khubus )) qallalan oo markuu cuni kari waayo qalley awgeed uu biyo ku ridi jiray si ay u qoydo, haddaba ninka xaalkiisu sidaa yahay ayaa waxa uu yidhi “ haddii sareedada iyo farxada aan haysto ay ogaan lahaayeen boqorada ugu awooda badan dunidu, waxay isku deyi lahaayeen xoog iyo awood in ay igaga qaataan”. Runtii sida aad u eegtahay , meesha aad joogto ,iyo hantida aad haysato maahin mid jaan gooysa farxda & liibaanta nolosha. Dadka qaarkood waxa ay aamin sanyihiin in liibaanta noloshu ka timaada debada qofka oo waxa jaangooya ay tahay waxyaabaha ku xeeran qofka. Laakiin taas cakiskeeda liibaantu waa mid ka soo ilbaxda qalbiga qofka laakiin waa laga yaaba waxayaabaha ku xeeran qofka in ay saameyn ku yeeshaan. Waxa jira saddex lays moodsiiyo in ay liibaanta noloshu ay ku jiraan oo ah:
Sidoo kale waxa jira fahano kala duwan oo dadku ka aaminsan yihiin liibaanta nolosha taas oo keena in ay kale duwanaadaan habka loo baadigoobayo Laakiin haddii ay khaldanto waddada loo marayo ran-reynta nolosha najiitadu waxa ay ku dameysaa in aad ku hungoobay. Farxada noloshu kama timaado dhameystiranka uu qofku helo wax kasta oo uu jecel yahay waayo noloshu marna ma dhameystiranto. Qofka hela liibaanta noloshu waa qof qiray in ay noloshiisu tahay diin , waxa uu ku qancan deeqda alle bixiyo ha yaraato ama ha badnaato e. waxaanu qalbigiisa ka buuxa digriga aale iyo xuskiisa oo marwalba uu kaalmeysto. Sida laga soo wariyo dad badan oo taariikh yahan ah ayaa waxa ay sheegaan in uu jiray nin caalim ah oo deganaa dalka ciraaq , ninkaasi waxa uu ku noolaa nolol adag wax kaleba iska daayee saddex wakhti waxa cunto u ahayd ((khubus )) qallalan oo markuu cuni kari waayo qalley awgeed uu biyo ku ridi jiray si ay u qoydo, haddaba ninka xaalkiisu sidaa yahay ayaa waxa uu yidhi “ haddii sareedada iyo farxada aan haysto ay ogaan lahaayeen boqorada ugu awooda badan dunidu, waxay isku deyi lahaayeen xoog iyo awood in ay igaga qaataan”. Runtii sida aad u eegtahay , meesha aad joogto ,iyo hantida aad haysato maahin mid jaan gooysa farxda & liibaanta nolosha. Dadka qaarkood waxa ay aamin sanyihiin in liibaanta noloshu ka timaada debada qofka oo waxa jaangooya ay tahay waxyaabaha ku xeeran qofka. Laakiin taas cakiskeeda liibaantu waa mid ka soo ilbaxda qalbiga qofka laakiin waa laga yaaba waxayaabaha ku xeeran qofka in ay saameyn ku yeeshaan. Waxa jira saddex lays moodsiiyo in ay liibaanta noloshu ay ku jiraan oo ah:
· hantida
· quruxda
· magaca iyo maamuuska
haddaba baadi goobka aad ugu jirto liibaanta iyo farxada
noloshu waa in uu noqdaa mid ku saleysan diinta islaamka oo uu alle inoogu
sheegay in nolol iyo wanaaageeduba ay ku jirto kitaabka alle sidoo kale waxa uu
alle swt xusay “ in qofkii ka jeesta xuskiisa iyo waanadiisa uu noloshiisu
noqoneyso mid cidhiidh ah sida uu alle SWT ku xusay kitaabkiisa
quraanka ah:
( وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ
ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَى
)
Dadku inta badan marka ay ka hadlayaan liibaanta waxa ay halbeeg
uga dhigaan hantida iyo xoolaha badan. hadaba cidkasta oo hanta leh ma
faraxsan tahay mise ma helshay sareedada
nolosha?
Bal u fiirso qisadan dhabta ah ee ka warmeysa baadi goobkii liibaanta nolosha.
Baadigoobkii liibaanta :
Kiristiina onaneys waa gabadh giriig ah waxa dhalay
maal-qabeenkii weynaa (aw onaneys) . Kaas oo hantidiisu gaadhay malaayiin lacag
ah, sidoo kale lahaa shirkado, diyaarado,maraakiib iyo jasiirado loo dalxiis
tago.
Hadadaba
si lama filaan ah ayaa waxa dhintay aabaheed sidoo kalena hooyadeed muddo ka
dibna waxa la shaaciyey in walaalkeed ay diyaarad la dhacday oo uu halkaas ku
dhintay.
Kiristiina
kaliyeed ayaa waxa ay noqotay dhaxal qaataha reerka oo hantiyey intaa xoolaha
leeg, akhriste ma garaneysaa hantida ay gabadhaasi kaligeed
hantiday? Waxay aabaheed ka dhaxalshay 5kun oo
bilyan sidoo kalena shir kado diyaaradaha ah,maraakiib,iyo jasiirado lagu
dalxiiso.
Walaal gabadh haysata hantida intaa leeg iyo shirkadaas marka aynu saarno
halbeega dadku wax ku qiyaasaan miyeyna noqoneyn gabadh ugu farxada badan
caalamka? Imisa qof ayaa rajeyn lahaa in ay noqdaan gabadhan oo kale? Mise ma
ogtahay haddii hantida gabdhan loo qaybin lahaa 100 qof uu mid kaste oo
boqolkaa ka mid ahi noqon lahaa dadka u hantida buuran uguna ladan ee dadka
dhexdooda . bal maxaad u maleynaysaa gabadh hantidaas kaligeed haysata ?
su,aalshu waa gabdhaasi ma
faraxsaneyd?
Qaybtan iyo macluumaadkan dambe ayeynu ka helaynaa jawaabta saxda ah .
· Hooyadeed waxay dhimatay nolol adag ka dib oo
dhamaadkeedu ahaa furniin uu aabaheed furay
· Walaalkeeda waxa uu ku dhintay shil ka soo
gaadhay diyaarad uu ku dalxiis iyo ciyaar u qaatay
· Aabaheedna waxay is khilaafeen xaaskiisii
cusbaa oo la odhan jiray (jiiliin kanadi) oo ahayd xaaskii madaxweynihii hore
ee mareykanka ee (john kenadi) sababtuu u guursadeyna ahay si uu u noqdo
qof aad u sii caan ah isagoo arooskaa ku bixiyey lacag aad u tiro badan haddaba
xidhiidhkaas xaasnimo ma ahayn mid hagaagsan waayo way u wada noolaanyeen kolba
sida ay iyadu jecelshahay tusaale : ma ogoleyn in ay sariir wada seexdaan iyada
oo safarka kaliya ee ay baxaysana boqolaal kun oo lacag ahi ku bixi jireen ugu
dameyntii iyaga oo is khilaafsan ayuu dhintay odaygii aabaha u ahaa.
Haddaba haddii aynu u soo noqono noloshii kiristiina inii
uu dhiman aabaheed waxa ay guursatay nin mareykan ah, muddo ayey wada
noolaayeen kadibna way iska furtay. Dhimashdii aabaheed ka dib waxay
guursatay nin giriig ah isagan muddo bilo ah ayey wada noolaayeen kadibna
way iska furtay. Baadi goobkii ay ugu jirtay si ay u helsho sareedo nololeed
awgeed ayaa waxa ay guursatay nin shuuci ah oo ruush ah. Dad badan iyo
saxafiyiin ayaa su,aalo ka weydiiyey sababta ay ninkan u guursatay
waxayna ku jawaabtay waxaan baadi goobayaa liibaan… Waxaan baadi goobayaa
liibaa…Iyada iyo xaaskeeda cusub waxay u guureen dalka ruushka oo ay muddo ku
wada noolaayeen wayna deganayeen labo qol oo aad u yar yar , maalin ay suuqa u
baxday ayaa dad saxafiyiin gartay in ay gabadhani tahay kiristiina wayna soo
daba raaceen ilaa ay ka argeen meelsha ay ku noolshahay kadib ayey su,aaleen
side ayey sidani ku dhacday ? waxay ugu jawaabtay waan baadi goobayaa liibaan…
waan baadi goobayaa liibaan.. muddo sanad ah markay wada noolaadeen ayaa ninkii
ruushaka ah isagan ay iska furtay . dalka faransiiska ayey u soo guurtay
waxayna guursatay nin hanta leh oo faransiis ah haddaba iyada oo la joogo
xafladii arooska ayaa rag saxafiyiin ahi weydiiyeeyn bal in ay tahay gabadh ugu
hantida badan dunida wakhtigan la joogo ? waxay ku jawaabta haa waaan ahay
gabadh ugu hanta badan lakiin ugu dhibta badan
!!!
Sidii caadad u ahay ninkii faransiiskan markay ka weyday
farxadii isagana way iska furtay intii noloshadeeda ka hadhsaneydana
waxay nolosheedu ahayd mid cidhiidh ah oo ay ka weyday farxadii ay baadi goobka
ugu jirtay .
muddo
ka dibna meydkeedii ayaa laga helay xeebta dalka (arjatiin) ilaa haddana lama
xaqiijinnayo in ay is dilshay iyo in si caadi ah u geeryootay waxaanu lagu
aasay jasiirad ka mid jasiiradihii uu lahaa aabaheed ee ay ka dhaxashay.
Waddooyinka loo maro ka xaqiijinta
liibanta nolosha:
Ka xaqiijinta ama helida liibaantu
noloshu waa ujoodooyinka ugu waaweyn ee binu aadamku ku hawlan yihiin inta ay
noloshoodu socoto
kaas oo baadigoobkeedana wakhti badan la galiyo sida aynu soo
sheegnay. Haddaba
qodobadani waxay kaa caawin baadi goobka aad ku jirto:
ü Camal wanaagsan:
camalka wanaagsan waxa
uusaldhig u yahay u shaqeysiga aakhiro oo ah hoyga dhabt a ee binu aadamku
.
ü Wanaaginta xidhiidhka alle :
Wanaagsinta xidhiidhka alle waa
saldhiga uu ka duulo qofka muslimka ahi waayo waxkasta oo wanaagsan oo uu
qabanayo waxa uu aamin sanyahay in uu alle swt ku garab taagan yahay oo
marwalbana magantiisa yahay.
ü Niyadaada wanaagi :
Waa muhiim qofka muslimka ahi in uu noqdo
qof niyadiisu wanaagsan tahay oo qalbi xaadhan. Maxaa yeelay diinteena
islaamkuin badan ayey ka dhigtaydhibaatooyinka ka ay leedahay aasid nimadu iyo
xiqdiga kale dhex mara ummada . nabi muxamed NNKH waxa uu yidhi” camalku waa niyada qofkalbana waxa uu
leeyahay waxa uu
niyeysto”
ü Dhisitaanka kalsoonida.
Kalsoonidu waxay nafta siisaa khibrad
nololeed iyo awood aad ku qabato waxyaabaha wanaagsan.
ü Rumeynta qadarka:
Waxkasta oo dhacayaa waa qadar in
kastoo ay sabab leeyihiin waa laga yaabaa in aad marar ka qaar kood
tiraahdo “waxay waxani u
dhacayaam”
runtii waxkaste waxa ay u dhacayaan sida uu alle swt uu doono markaa waxba ka
ku daalin in aad falanqayso waxa uu alle kuu qadaro.
ü Cafiska dadka :
Cafisku waa shay wanaagsan oo
diinteenu ammaantay , waana sifo ay ku sifeysan yihiin dadka wanaagsan ee
aragtida leh.
ü Hadalka wanaagsan:
Ma ogtahay akhriste in hadalka
wanaagsan iyo waji fururtaanta aad walaalhaaga iyo ummda aad u muujisaa ay
tahay sadaqad sida uu ka dhawaajiyey nabigeena muxamed NNKH .
ü Ka fogaan shaha wal-welka
Wal-welku waa dhibaatooyinka ugu
badan ee soo foodsaara dhalinyarada iyo dadka kale wadaa ugu muhiimsan ee dawo
ugu heli kartaana waa anniga oo badiya xuska alle swt sida uu alle
kitaabkiisa inoogu
sheegay:
(أَلَا بِذِكْرِ اللهِ
تَطْمَئِنُّ الْقُلُوب) hooy, digiriga
alle qalbiguu degiyaa .
ü Ma og tahayCuleys kasta fudeyd baa ka
dameeya :
Runtii hadii aad ku jirto maalmo adag
iyo wakhti culus
ü Camalka wanaagsan:
ü Talo saarashada alle & go,aan
qaadasho
ü Sallaada
Marka laga yimaado salaadu in ay
tahay waajib saran dhaman muslimiinta ayaa marka laga eego dhinaca kale
sallaadu waxay leedahay faa,iidooyin badan oo diinteenu inoo sheegtay. Sallaadu
waxay keentaa ildoogsiga nafta & liibaanta nolosha, waayo qofku isku mid
maha marka uu dhandhamiyo macaanka cibaadada iyo camalka wanaagsan iyo marka uu
qofku ka qatan yahay wanaagaa iyo raaxda qalbiga ee qofka muslinkii ku jiro,
tusaale waxa uu jidhkeenu soo daayaa dheecaano fara bada noo kale duwan
waxa ka mid ah kuwo la yidhaahdo (moorfiniyaadtu-dimaaq)
Dr maxamed cali daaar ayaa waxa uu
sheegaa in aqoontan la ogaaday wixii ka dameeyay 1973 , ilaa haddana waxa la
ogtahay 200 oo maado oo jidhku soo daayo oo ku saabsan arintan . 200 ee maado
40 ka mid ah ayaa si rasmi ah loo ogtahay shaqooyinka ay qabtaan iyo
saameynta ay leeyihiinba . dr maxamed waxa uu u daliilshanayaa dheecaanadan
moorfiniyaadtu-dimaaq in alle swt jidhka binu aadamka ah ugu soo daayaa
si dabiici ah wakhtiyada uu qofku dareemayo dhibta taas oo keenta in uu qofkii
xoog u wada dareemi waayo dhibta haysata ,waxa kale oo dr maxamed sheegay in
cibaadada iyo iimaanka sida sallaada iyo soonku ay si gaar ah u badiyaan
dheecaanadan moorfiniyaadtu-dimaaq ee jidhku soo daynayo taas oo keenta
in qofka muminka ahi uu uga adkaysi badan yahaydhibta iyo welwelkaba
qofka kale ee aan iimaanka
ahayn.
Gunaanad
Guntii iyo gabogabadii waxaan hadalka gun meel uga dhigayaa in
noloshu tahay maalmo kooban , raaxaduna naftu waa u muhiim sidoo kale nolol
fiican waxa gundhig u ah diinta islaamka fahankeeda sidaa awgeeed nololi
waa diin
Dhammaad

0 comments:
Post a Comment