Bulshada Islaamku waxaa ay ahayd midda ugu dhaqan iyo akhlaaq waanaagsan, balse waayadan dambe muslimiin badan ayaa ka ogoomoobay akhlaaqdii suubanayd ee diinteenteenu qaniga ku ahayd.
Rasuulka ( صلى الله عليه وسلم) ayaa mar la weydiiyey waxa ugu badan ee dadku jannada ku gelayaan, markaas ayuu suubanahu ku jawaabay " Akhlaaq wanaaga iyo Alle ka cabsiga"... Mar kale nebigu ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu inoo tilmaamay in adoomaha uu Alle ugu jecelyahay ay yihiin kuwa dhaqanka wanaagsan, "أحب عباد الله إلى الله أحسنهم خلقا".
Sidoo kalena suubanuhu ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu inoo sheegay in maalinka qiyaame ay akhlaaqda wanaagsani tahay midda ugu miisaanka culus acmaasha la miisaamaayo,
"قال صلى الله عليه وسلم: ((ما من شيء في الميزان أثقل من حسن الخلق)) رواه الترمذي (2002)، وابن حبان (12/506)"..
Dhammaan xadiisyadaaasi waxay in oo iftiiminayaa sida diinteenu inoogu boorisay dhaqan wanaaga.
Waa kii gabyaagii carbeed ee Axmed Shawqi lahaa “إنمـا الأمـم الأخلاق مـا بقيـت
فإن هم ذهبت أخلاقـهم ذهبــواً”
-Ummaduhu waxaa ay ku joogaan akhlaaqda, hadii akhlaaqdoodu tagto iyana waa raacaan-.
Qofkana waxaa qiimaha u yeelaa ma ahan quruxdiisa iyo hantidiisa balse waa dhaqanka iyo dabciga ay dadka kale kala kulmaan, Nayjeeryaanku waxaa ay ku maahmaaheen, "Ugliness with good charecter is better than beauty" oo macnaheedu yahay, foolxumo dhaqan wanaag leh ayaa ka wanaagsan qurux aan dhaqan wanaag lahayn.
Ogosoonow quruxda iyo muuqaalka sare ee bilani wuxuu soo jiitaa indhaha dadka balse dhaqan wanaaga iyo dadnimadu waxaa ay soo jiitaan quluubta dadka.
Ogosoonow quruxda iyo muuqaalka sare ee bilani wuxuu soo jiitaa indhaha dadka balse dhaqan wanaaga iyo dadnimadu waxaa ay soo jiitaan quluubta dadka.
0 comments:
Post a Comment