Sunday, August 23, 2015

Eng.Suleiman Al-Jamzuriy: Gurigii Xikmadda ee Baqdaad

Eng.Suleiman Al-Jamzuriy: Gurigii Xikmadda ee BaqdaadWaxaad ku baraarugtay qaraxyada ka dhacaya Baqdad ee dadku ku hoobtay, waxaad ku baraarugtay diyaaradaha maraykanka oo garaacaya Baqdad, balse weligaa dib ma u dheehatay ilbaxnimadii iyo xadaaradii halkaasi taallay waayo waayo??? ... Weligaa ma ka fikirtay aqoontii hakaasi ceegaagtay??... haday jawaabtaadu tahay MAYA, kaalay aynu maqaalkan dhexdiisa ku booqono sabannadii dahabiga ahaa ee baqdad iyo ilbaxnimadii islaamka ee ay hooyada u ahayd.

Baqdaad waa caasimadda wadanka Ciraaq, Baqdaad waxaa ay dhacdaa dhigta iyo loolka cabbirkodu yahay (33.315701,44.392200). Waxaana ay kaga toosantahay magaalada Hargeisa jihada Waqooyiga, waqti ahaanna waa la mid Hargeisa, waana magaalo ku dhextaalla labada webi ee Eupharetes iyo Furaat.
 Waxaa ay ahayd sannadkii 762-kii markii khaliifkii Abu Ja’far Al-Mansuur oo ka mid ahaa madaxdii dawladii Cabbaasiyiinta uu dhagax dhigay magaaladan, isagoo aaminsan in ay magaaladanni ku habboontahay in ay noqoto caasimadda dawlada Islaamka, sababo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen: cimiladeeda dhexdhexaadka ah, jooga dhulkeeda, istiraatijiyada iyo marinda ganacsi ee mara, iyo helitaanka biyo nadiif ah awgood. Al-Mansur waxaa uu yidhi odhaahdiisii taariikhda gashay ee ahayd, “Tani waxaa ay noqondoontaa, meesha layga heli doono, halka aan ku noolaandoono iyo barta ay tafiirtaydu xukumidoonaan”.
32 sanno kedib aasaaskii Baqdaad, waxaa xukunkii la wareegay Haruun AL-Rashiid, oo ka mid ahaa tafiirtii ka farcantay Jacfar AL-Mansuur, AL-rashiid waxaa uu uu seeska dhigay akademigii sayniska ee ugu casrisanaa xilligaas, waxaana loo baxsahay, بيت الحكمة))  ama GURIGII XIDKMADDA. Baytul xikmah, waxaa uu ahaa maktabad aad u baaxad weyn oo lagu ururiyo kutubta kala duwan ee cilimiyada: sayniska, arts-ka, dhaqanka, luuqadaha IWM.
Maktabaddani, waxaa ay ahayd kaydka kutubta iyo xikmadda, sidoo kalena waxaa ay ahayd akademiyadda aqoonyahanka halkaas oo ay ku kulmi jireen: saynisyahanada, qoraayada, turjumaanada, gabyaaga, iyo xikmaawiyiintii waqtigaa noolayd. Ikhtiraacidda, turjumidda iyo dood cilmiyeedyadu waxaa ay ahaayeen, waxqabadyada maalinlaha ah ee goobtan ka dhaca.
AL-Ma’muum oo ahaa wiilkii Haaruun AL-rashiid ayaa isguna sii balladhiyey maktabaddii oo kadhigay mid habaysan, kutubtiina waxaa uu u sameeyay qaybo, intii isku jaad ahaydna dhinac ayaa uu isugu ururiyey, waxaana uu u magacaabay gudoomiyeyaal qaybibhii kala duwanaa ee maktabadda, tusaale ahaan: Xunayn oo ahaa nin ku hadla afar luuqadood, waxaa uu ka dhigay madaxa turmaadda. Sidoo kale Abu Yusuf Yacquub AL-kindi oo ahaa khabiir ku xeeldheer, fisigiska, falsafadda, xidigiska iyo xisaabaadka waxaa uu faray in uu turjumo aqoontii Giriigii hore, iyo qoraalladii Aristotle.
Al-Ma’muun waxaa uu siiyey taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed aqoonyahankii, waxaana uu ku casuumay maktabaddii khubaro badan oo isug jira Muslim, Kiritstan, Yuhuud, Hindi, iyo Indho-yarba. Baytul Xikma, waxaa uu noqday xuduntii aqoonyahaka iyo horumarka oo soo jiidatay indhaha aqoonyahankii ku kala noolaa daafaha dunida ee xiliyadaas.
Al-ma’muum waxaa kale oo uu maktabaddii ku soo daabulay kutub farabadan, waxaana uu ka codsaday boqorkii Sicily, in uu ku soo wareejiyo Maktabad qani ku ahayd buugta sayniska iyo falsafadda oo halkaasi ku tiiley, boqorkiina waa uu siiyey. Waxaa la sheegaa in AL-Ma’muum uu boqolaal geela ku soo rarijiray buug, kuwaas oo laga keeni jiray bariga Beershiya. Maktabaddiina waxaa ay noqotay mid la ciirciiraysa kutub iyo khubarro farabadan.
AL-Ma’mum waxaa uu dhagax dhigay xarruntii cilimga xidigska iyo hawda sare, waxaana uu maamule uga dhigay Sanad bin Ali Al-yahudi, oo ka mid ahaa khubaradii Al-Ma’mum. Waxaana u suuro gashay Sanad in uu qoro jadwalka godadka walax cireedyada.
Baqdaad waxaa markii ugu horreysay soo gaadhey waraaqda oo lagu ikhtiraacay wadanka shiinaha, helitaanka warqaduhu waxaa ay bedeleen hargihii iyo saamihii loo isticmaali jiray qoraalka, waxaana la sameeyey warshado badan oo soo saara waraaqaha taasina waxaan ay sii kordhisay xawaarihii horumarka maktabadda.
Xisaabyahankii weynaa ee AL-khawarzimi oo ka mid ahaa khubaradii maktabadda ayaa isna daaha ka furay xisaabta AL-jebrada, waxaan uu qoray buugiisii uu ugu magacdaray (AL-jabr wal muqaablah). Waxaa iyagun jiray khubaro badan oo wax ku soo kordhiyey fanniyo badan oo aqoonta ah.
Waxaa la sheegaa in qofkii keena buug uu qoray ama turjumay la siin jiray miisaankiisa oo dahab ah, arrintaasina waxaa ay dadkii ka dhigtay kuwo jecel aqoonta iyo qoritaankeeda. Waxaa aad loo horumariyey turjumidda, dhammaan kutubtii ku qornaa afafka kalena waxaa loo turjumay carabi oo ahayd luuqadda koowaad ee dawladii Muslimiinta.
Nasiibdarro, sannadkii 1258kii ayaa gacan ku dhiiglayaashii Tattaarka (Mangooliyaanka)ay soo weerareen magaaldii Baqdaad oo markaa ahayd jannadii adduunka, waxaan ay halkaas ku dilleen boqorkii ugu dambeeyey ee dawladii cabbaasiyiinta kedib markuu isu dhiibay Holaago oo ahaa taliyihii ciidanka Tattaarka, si uu naftiisa ugu furto badbaadada Baqdaad. Halkaas ayaana lagu gawracay isaga iyo dhammaan reerkiisii, waxaana lagu xasuuqay dadkii reer Baqdaad oo dhegta dhiiga loo daray.
Tattaarku waxaa ay burburiyeen dhamaan qaybihii maktabadda, waxaana ay kutubtii ku gureen webiga si ay ugaga tallaabaan. Waxaa la sheegaa in webigii uu maamlmo dhawr ah madow isu bedelay khadlkii buugta iyo dhiigii dadka awgeed. Waxaana halkaas ku burburay dhaxalkii aadamahu uu iska soo dhaxlayey weligii.
Xaddaaraddii islaamku si ay u soo noqotay waxaa ay u baahantahay rag, waxaa ay u baahantahay aqoonyahan xeeldheer oo aragti fog leh. Ummadda muslmiinta ahi waxaa ay kaa sugayaan hiil iyo garab, ugu hiili qalinkaaga iyo aqoontaada, kakaca hurdada dhallinyarooy oo hankiina fogeeya, ku hammiya in aynu dib u dhisno Baqdaadii labaad ku faana oo ku dhaata diinteena suuban. “Waxaynu nahay duul uu ALLAH ku sharfay Islaamka, hadii aynu sharafta meel aan Islaamka ahaynna ka raadinona waa uu innna dulleyn” Cumar bin Al-khadab.

0 comments:

Post a Comment